1146 Views

Boqorka dalka Swaziland oo ku soo rogey wadankiisa xanibaado fara badan

Boqorka dalka Swaziland oo  ku soo rogey wadankiisa  xanibaado fara badan
____________________________________________________________________________

Khamiis: luliyo 1 2021

Boqorka boqortooyada Eswatani ee dalka Swaziland, ayaa ku soo rogey wadankani xanibaado fara badan, iyadoo gabi ahaanba la damiyey qadka internet-ka.

Rabshadaha ka dhashey mudaaharaadyada lagu doonayo dimuqraadiyada, ayaa cirka isku shareerey, iyagoo ku fiday qeybaha kala duwan ee dalkani.

Warbaahinta Swaziland, ayaa sheegtay shaley in mudaaharaadayaasha ay xireen waddooyin badan, halka dowladda dalkani ay damisay qadka internet-ka, si ay xaaladda u xakameyso.

Xiritaanka qadka internet-ka ma aaney xaqiijin hey’adda korjoogteysa xoriyadda iyo dhaq dhaqaaqa internet-ka ee la yiraahdo Netblokcs.

Shirkadda taleefanada MTN ee Swaziland, ayaa kudhawaaqdey iney joojisay adeegyadii ay siin jirtey dalkani, sababo la xiriira badqabka shaqaalaha iyo shaqadaba.

Madaxda dowladda ayaa iska diidey in boqor Mswati ka cararey dalkaasi. Intii lagu guda jirey khudbad uu jeediyey shaley, ra’iisal wasaaraha xil gaarsiinta ee Swaziland, Themba Masuku, ayuu ku booriyey dibad baxayaasha iney kusoo gudbiyaan cabashada ay qabaan dhanka e-mail-ka.

Dowladda ayaa markii hore ku amartey ciidanka booliiska iney toogtaan dadka sida nabad galyada ah u banaan baxayey, kahor inta aan la joojin in dacwad la geyn karo maxkamad.

Markii danbana dowladdu waxey u gudbisay sidoo kale iney toogtaan kuwa ku dibad baxaya meelaha ka baxsan magaalooyinka, sida tuulooyinka.

Boqolaal dad da yara, ayaa ka dhigayey bannaan baxyo maalmihii u danbeeyey dalkani, iyagoo dalbanayey in la sameeyo nidaamka xisbiyada badan, iyo ra’iisal wasaare lasoo doorto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post