699 Views

Hadal uu jeediyay Ra’isul Wasaaraha dalka Britain oo carro badan abuuray

Hadal uu jeediyay Ra’isul Wasaaraha dalka Britain oo carro badan abuuray
____________________________________________________________________________


Axad: March 20, 2022

Hadal heyn iyo carro badan ayaa ka dhashay hadal uu shalay jeediyay Ra’isul Wasaaraha Britain Boris Johnson, waxaana hadalkan siyaabo kala duwan uga hadlay dad badan ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah.

Boris Johnson ayaa xilli uu khudbad jeedinayay shalay is barbardhig ku sameeyay dadka reer Ukraine ee dagaalka kala horjeeda ciidamada Ruushka iyo sidoo kale dadka reer Britain ee u codeeyay in Midowga Yurub ka baxaan

Hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Britian ayaana carro badan ka dhax abuuray siyaasiyiinta UK iyo sidoo kale kuwa Midowga Yurub, waxa ayna hadalkaasi siyaasiyiinta qaarkopod uga falceliyeen si adag,

Madaxweynihii hore ee Midowga Yurub Donald Tusk, ,ayaa hadalka kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Britain ku tilmaamay kuwo meel ka dhac ah oon laga fileyn in qof masuul ah afkiisa kasoo yeero.

about:blank Siyaasiyiinta iyo dadkjii kale ee ka falceliyay hadalka Boris Johnson ayaa sheegay in uusan xilligan la socon xaalada ay ku sugan yihiin dadka reer Ukraine, waxaana hadalkiisa ku tilmaameen mid laga naxo oo masuuliyad daro ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post