1875 Views

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo xilkii ka qaaday Saraakiil Sar sare

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo xilkii ka qaaday Saraakiil Sar sare
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 4, 2018 – Saraakiil Sar sare oo ka tirsan dowladda Kuuriyadda Waqooyi ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha dalkaasi uu si deg deg ah xilka uga qaaday Saddex Sarkaal oo Sarsare, kuwaasoo hoggaamin jiray ciidamada Xoogga.

Kim Jun U-n ayaa laga soo xigtay in arintaan ay qeyb ka tahay horumaradda iyo Isbadeladda ka hana qaaday dalkaasi oo muddo ay saarneyn cuna qabateyn adag.

Dadka Kuuriyada Waqooyi ayaa u arka Mareykanka Cadow,waxaana arrintani ay u muuqataa mid xiriir la leh cabsidaasi,maadaama dhawaanahay ay warbaahinta Dalkaasi ka gaabsatay dacaayadii laga fidin jiray Mareykanka,laguna bedelay wararka ku saabsan kulanka hoggaamiyaasha Labada Dal.

Dadka xilka laga qaaday  waxaa kamid ah Wasiirkii Gaashaandhiga,taliyihii Ciidamada iyo ninka u qaabilsanaa xafiiska guud ee siyaasadda .

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in arintaan ay la xariirto in saraakiishaasi ay kasoo horjeeddaan Burburtinta xaruntii Nucleerka iyo waanwaanta Mareykanka.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment