1290 Views

MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO WARBIXIN KA DHAGAYSTAY HAY’ADAHA U XILSAARAN DIB U EEGISTA DASRTUURKA.

MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO WARBIXIN KA DHAGAYSTAY HAY’ADAHA U XILSAARAN DIB U EEGISTA DASRTUURKA.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 5 , 2020 —Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaa manta ka qabsoomay kulan la tashi ah una dhexmaray laanta fullinta DGGM iyo hay’adaha dastuurka sida; Wasaaradda Dastuurka JFS, Guddiga la- socodka Dastuur ee Barlamaanka, Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista & hirgelinta dastuurka.

 

Masuuliyiintii shirkani kaso qeyb galay waxaa kamid ahaa madaxweyne Ku xigeenka GM iyo qaarkamid ah wasiirada Galmudug.

 

Wasiirka wasaaradda Dastuur DGGM ayaa ugu horreyn shirka furay , Intaa kadib Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hay’adaha Dastuurka ka dhageystay warbixin la xiriirta geeddi socodka dib u eegista Dastuurka KMG, guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qorsheysan hay’adaha Dastuurka inta waqtiga ka dhiman iyo talo soo-jeedin.

 

Wasiirka wasaaradda Dastuurka XFS; Saalax Axmed Jaamac ayaa dul istaagay waxyaabaha wadaxaajoodka u baahan si loogu guulaysto qeybya tirka dastuurka.

 

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa balanqaaday in ay si buuxda ula shaqeynayaan hay’adaha Dastuurka, madaama Dastuurku yahay sharciga ugu sareeya isla markaana gundhig u yahay dhammaan shuruucda kale ee Dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment