1518 Views

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska oo gaaray magaalada Addis Ababa

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska oo  gaaray magaalada Addis Ababa
____________________________________________________________________________


Khamiis: November 4, 2021

Wararka ka imaanaya Dalka Itobiya ayaa sheegaya in ay halkaas ka jirto xaalad adag gaar ahaan caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa .

Saacadihii la soo dhaafay waxaa buux dhaafay Garoomada Itobiya gaar ahaan caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa , waxaana dadkii watay  Pasaporada ajnabiga ah ay ka baxayaan dalkaas, ayaga oo aadaya wadamadii ay ka yimaadeen.

Waxaa socda dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu weecinayo weerar lagu qaado caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa, kadib markii la sheegay in Maleeshiyaadka Tigray-ga oo garab ka helayo kuwa Oromada ay kulaalayaan caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa.

Waxaa  saacadihii la soo dhaafay gaaray halkaas Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman si uu u cadaadiyo in la hakiyo howlgallada militari loona billaabo wadahadallo xabad joojin ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku baaqay kulan ay hogaamiyayaasha Bariga Afrika isugu yimaadaan 16-ka November si looga wadahadlo dagaalka dowladda Ethiopia iyo kooxda Tigrayga ee TPLF.

ururka goboleedka IGAD ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah, wuxuuna dhinacyada ku booriyey inay muujiyaan isxakameyn.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post