1215 Views

Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Soo Xiray Shirka Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Heer Federaal Iyo Heer Dowlad Gobaleed

Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Soo Xiray Shirka Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Heer Federaal Iyo Heer Dowlad Gobaleed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-26–2019 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo xiray shirka agaasimayaasha guud ee wasaarahada heer federaalka iyo heer dowlad gobaleed oo Muqdisho ka socday intii u dhexeysay Aktoobar 22-26, 2019.

 

Shirka oo ahaa kii ugu horreeyay ee agaasimayaasha guud isugu yimaadaan ayaa dib loogu eegay guulihii ay gaareen dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah iyo caqabadihii lala kulmay intii lagu guda jiray dhaqan gelinta ajandayaasha iyo qorshe howleedka dowladda.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay agaasimayaasha guud shaqada ballaaran ee ay qabteen maalmihii ay u fadhiyeen shirka ay dib ugu eegayeen wixii qabsoomay, ugana tashanayeen qorshayaasha wasaaraha ee hor-tebinta leh, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaalkooda horumarinta qaranka.

 

Shirka ay yeesheen agaasimayaasha guud ayaa gogol xaar u noqonaya sare u qaadidda wadashaqeynta dhaw ee ka dhexeysa agaasimayaasha guud ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed oo qayb weyn ka qaadaneysa horumarinta adeegyada dowladdu u qabato shacabka Soomaaliyeed.

 

—DHAMMAAD—-

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment