663 Views

Danjire Maryan Yaasiiin, Ergayga gaarka ah ee ka hor taga Tahriibka oo ka mid Noqotay shaqsiyaadka Sanadkii 2020 ugu shaqada badnaa, Sawiro

Danjire Maryan Yaasiiin, Ergayga gaarka ah ee ka hor taga Tahriibka oo ka mid Noqotay shaqsiyaadka Sanadkii 2020 ugu shaqada badnaa, Sawiro
____________________________________________________________________________

..

MaryanYaasiinXaaji  Yuusuf waa ergayga gaarka ee dawlada Somaliya u qaabilsan xuquuqda Tahriibayaasha Waxay wax badan ka gaysatey soo celin tatahriibayaasha Somaliyeed ku Dayacan caalamka aynu ku nool nahay.

Maryan Yaasiin ayaa ahayd ka hor inta uuasan Xilkaan Culus u magacaabin Raisal Wasaarihii hore Somaliya Cumar C/rashiid, Agaasimihiim Fulinta  hay’adda IIDA, taasi oo Muujinaysa in sharmaarke uu ku Qancay dadaalka DanjireMaryanYaasiin  ee wax ku ool ka ah.

 Ra’iisulWasaarihii hore,  Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa u magacaabay Ergeyga Gaarka  ee Soomaaliya u Qaabilsan Horumarinta Xaquuqda Carruurta iyo tahriibayaasha,  kadib markii uu arkay Danjire  Maryan aqoonteeda ku aadan dhinaca Bini aadanimada Taariikhdu markayahayd 20-kii bishanOgoosto 2015-ka. 

MaryanYaasiin ayaa waxay caan ku tahay shaqo wax ku ool ah,  Marka aad ugu tagto Xafiiskeeda waxaaad arkaysaa ayada oo bulsha dadhibaataysan oo Caruurtooda ka maqantahay la shekaysansa kunaQancinaysa in ay Dalka dib ugu soo Celindoonaan. 

Danjire Maryan Yaasiiin xaaji Yuusuf oo ah  Ergayga gaarka ah ee Xukuumada u qaabilsan ka hor taga Tahriibka ayaa  ka mid Noqotay shaqsiyaadka Sanadkii la soo dhaafay ugu wax qabadka Wanaagsaneed  Haweenka Soomaaliyeed ee u dhaq dhaqaaqa Bulshada Somaaliyeed 2020.

Danjire Maryan Yaasiiin oo ka mid ah shaqsiyaadkaas aan soo sheegnay ayaa horay uga soo shaqaysay Hay’addaha calamiga ah iyo NGO-yada dalka ka soo shaqeeyay ku dhawaad 15-kii sano ee la soo dhaafay, taasi oo ka muuqato Qibrad ka duwan shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee wax qabtay Sanadkii la soo dhaafay ee 2020.

Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah Ergayga gaarka ah ee xukuumadda Soomaaliya u qaabbilsan Xuquuqda Tahriibayaasha  ayaa safari kala duwan ku soo bixisay Dalal calamka ah oo  ay ku dhibaataysan yihiin Somali kuwaasi oo Xabsiyada caalamka siyaabo kala duwan ugu xirnaa 20- Sano ee la soo dhaafay tan iyo markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Somaliya.

Dalalka ay tagtay Hogaamiye Maryan yaasiin ama ay kala xaajoodeen  ayada iyo Xubnaha la shaqeeya sidii loo soo dayn lahaa muwaadiniintaasi, waxaa ka mid ah Liibiya ,  Tuniisiya, India, Kenya, Iiraan, iyo wadamo kale oo aan halkaas lagu soo koobi Karin.

Danjire Maryan yaasiin ayaa waqtigeeda %70 waxay si free ah u galisay u qidmeenta iyo u adeegida shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ka muuqato shaqada Culus oo ay Bulshada Soomaaliyeed u heyso 15 Sano ee la soo dhaafay.

Maryan ayaa wax ku soo baratay Dalka Talyaaniga, waxayna waxbarashadeeda ilaa Heer jaamacadceed ku soo qaadatay Dalka Talyaaniga.

Danjire Maryan Yaasiin  ayaa Waxay Hay’addaha caalamka gaar ahaan UNHCR, EU, iyo kuwa daneeya dadka Soomaaliyeed kala hadashaa sidii dib u dajin ama soo celin loogu samayn lahaa Dalkooda, dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiyada caalamka oo wax u dooda la waayay tan iyo Markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Somaliya.

W/Q/ Wariye Cabdixakiin Cilmi Xasan

Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post