276 Views

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo sharraxay sababta ka dambeysa xaaladda ka taagan Laasacaanood

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo sharraxay sababta ka dambeysa xaaladda ka taagan Laasacaanood
____________________________________________________________________________

 Isniin: January 2023

Guddoomiyaha golaha wakiilada Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegay in xaaladda ka taagan magaalada Laasacaanood ay ka dhalatay dacyac dhanka xukuumadda Somaliland ah maadama sida uu sheegay in muddo ah halkaa dilal loogu gaysanayay dad ahaa wax-galka bulshada oo aan wax laga qaban.

Cabdirisaaq Khaliif guddoomiyaha golaha wakiillada ayaa ku eedeyay xukuumadda in ciidamo u adeegsatay dadka shacabka ah oo dhigay dibadbaxyo ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin dilalalka joogtada noqday.

Waxaa uu sheegay in caburin iyo xoog aan xalku ku jirin balse loo baahanyahay in dowladdu ay la timaado qorshe ay wax kaga qabanayso dhibaatooyinkii keenay in ay dadku kacaan.

Haddaba Guddoomiye Cabdirisaaq Qaliif ayaa qadka telefoonka ugu warramahay wariyaha BBC-da Faadumo Yuusuf Taxadar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post