1635 Views

Muwaadin diyaarad u kireystay si uu is kugu dhiibo boolis ku raad-joogay

Muwaadin  diyaarad u kireystay si uu is kugu dhiibo  boolis ku raad-joogay
____________________________________________________________________________

May 28 2021

Nin ku dhuumaaleysanayay miyiga dalka New Zealand ayaa diyaarad helikobtar ah u kireystay si uu u tago saldhig booliis isagoo kaddibna is dhiibay.

James Bryant, oo wajahaya eedeymo dembiyo kala duwan ah, ayaa shan toddobaad isku qarinayay magaalo yar oo ku taalla North Otago.

Wuxuu warbaahinta dalkaas u sheegay in waqti wanaagsan uu ku qaatay miyiga, balse uu haatan diyaar u yahay inuu is dhiibo.

Arthur Taylor, oo u dooda xuquuqda maxaabiista oo gacan ka geystay in si nabad ah lagu soo xiro ninkaas, ayaa sheegay in Bryant uu u iibiyay khamro iyo cunto kahor inta aysan saldhigga tegin.

Taylor, oo qudhiisa maxbuus hore ahaa cafisna loo fidiyay, ayaa isagoo ku sugan bannaanka Saldhigga Dhexe ee Booliiska Dunedin weriyeyaasha ku yiri : “Waxay u ahayd cuntadii ugu fiicneyd ee uu cuno muddo toddobaadyo ah.”

Eedeymaha uu Bryant wajahayo waxaa ka mid ah inuu heystay hub, isagoo qof si kas ah u dhaawacay iyo inuu saddex qoraal oo dhibaato sababi kara ku qoray baraha internet-ka.

Booliiska ayaa dadweynaha uga digay inuu khatar yahay isla markaana aysan u dhowaan.

Bryant ayaa wargeyska Otago Daily Times u sheegay in intii uu ku sugnaa deegaanka Waianakarua uu sameeyay jimicsi badan, balse muddo kaddib uu go’aansaday inuu is dhiibo isagoo sababta ku sheegay inuu ka walaacsan yahay in loo aqoonsado inuu khatar ku yahay shacabka.

Wuxuu la soo xiriiray Taylor si uu gacan uga geysto in si buuq la’aan ah lagu xiro. Labada nin ayaa hore isku yaqaannay, sababtoo ah Bryant ayaa hore uga qeyb qaatay naqshadeynta website-ka Taylor.

Bryant ayaa iska bixiyay kharashka helikobtarka, sida uu sheegay Taylor, sababtoo ah buu yiri “wuxuu doonayay inuu si xarrago leh ku yimaado”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post