1023 Views

Khudbadaha musharixiinta aqalka sare ee gobolada Waqooyi oo goor dhaw ka bilaaban doonta xerada Afisiyooni

Khudbadaha musharixiinta aqalka sare ee gobolada Waqooyi oo goor dhaw ka bilaaban doonta xerada Afisiyooni
____________________________________________________________________________

Talaado: September 28, 2021

 Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in saakay lagu wado in ay khudbado jeediyaan musharixiinta u tartamaysa kuraasta aqalka sare ee gobolada Waqooyi ee Soomaaliland,iyadoona haatan ay socoto qaban qaabadii ugu dambeysay.

Ergooyinka dooranaya Xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa haatan ku qulqulaya Hoolka xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdish, kuwaasi oo dhageysan doono hadaljeedinta musharixiinta kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

11 kursi ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ku leeyihiin Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamaya kuwo Afartii Sano ee la soo dhaafay kamid ahaa iyo kuwo ku cusub oo hadda doonaya inay tartamaan.

Magacyada dadka ku tartamaya

Kursiga Koowaad.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Saciid Cumar Xuseen

Kursiga labaad
1. Axmed Ibraahim Maxamed (Qorane)
2. Baashe Maxamed Ismaaciil

Kursiga Saddexad
1. Layla Axmed Ismaaciil
2. Maxamed Maxamuud Cabdi

Kursiga Afaraad
1. Deeqa Xasan Xuseen
2. Hodan Abokor Xasan

Kursiga Shanaad
1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari
2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar
3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali

Kursiga lixaad
1. Bilaal Idiris Cabdillaahi
2. Saynab Axmed Boqore

Kursiga todobaad
1. Saalax Axmed Jaamac
2. Iraahim lidle Saleebaan

Kursiga Sideedaad
1. Siciid Cabdi Xuseen
2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed

Kursiga 9aad
1. Cabdirisaaq Axmed Cali
2. Xasan Cabdi Gaas
3. Axmed Maxamed Siciid

Kursiga tobanaad
1. Cismaan Abokor Dubbe
2. Cabdikariim Maxamed Xasan

Kursiga 11aad
1. Muna Cumar Xasan
2. Naciima Xasan Xaaji Maxamuud ( Gadhweyne)
3. Sucaad Xasan Maxamed.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post