1386 Views

Jabuuti oo heshay diyaarad ay u adeegsato ciidamadeeda jooga Soomaaliya

Jabuuti oo heshay diyaarad ay u adeegsato ciidamadeeda jooga Soomaaliya
____________________________________________________________________________


isniin: November 29, 2021

Dowladda Jabuuti ayaa heshay diyaaraddii labaad ee nooceedu yahay MA-60, taasoo ay u adeegsan doonto howlaha dhinaca gaadiidka hawada ee ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya.

Diyaaraddan oo uu Shiinaha siiyay Jabuuti waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Jabuuti ku guddoomay wasiirka Gaashaandhigga ee dalkaas, Xasan Cumar.

“Ujeeddada diyaaraddan cusub waa in la xoojiyo awoodda ciidamada cirka ee Jabuuti iyo in sare loo qaado wax baaxaddooda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in diyaaraddan howsha ugu muhiimsan ee ay qaban doonto ay tahay mid la xiriirta dhinaca Soomaaliya.

“Diyaaraddan nooceedu yahay MA-60 waxaa inta badan loo isticmaali doonaa kala baddalidda askarta Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya”.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post