1170 Views

Askari Nin Ajnabi ah ku dilay Boosaaso oo Gacanta lagu dhigay

Askari Nin Ajnabi ah ku dilay Boosaaso oo Gacanta lagu dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 12, 2019 —Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay war ka soo saareen dil askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland uu u geystay Nin u dhashay dalka Kenya iyo qarax ka dhacay Magalada boosaaso.

Warkaan kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Bari ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka Puntland ay gacanta kusoo dhigeen Askarigii dilay Ninka Kenyanka ahaa, isla markaana ay cadaalada marsiin doonaan.

Dhinaca kale taliska Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in uu fashilmay qarax Ciidamada Puntland lagula Beegsaday Aaga Hotel Boosaso, Iyadoo uu dhaawac fudud ka soo gaaray Askari ka Tirsan Ciidamadda Puntland.

Dhowrkii bilood ee u dambeysay ayaa waxaa xumaday amniga Magalada Boosaaso, iyada oo tora ka dhowr jeer ay qaraxyo ka dhaceen sidoo kalena lagu dilay Madaxii Shirkadda P&O  oo hoostagta Shirkadda DP World.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment