909 Views

Ciidamada Puntland oo jawaab ka bixiyay tallaabo uu qaaday madaxweyne Deni

Ciidamada Puntland oo jawaab ka bixiyay tallaabo uu qaaday madaxweyne Deni
____________________________________________________________________________

Ciidamada Puntland ayaa ka hor yimid go’aan madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni uu xilka ugu magacaabay agaasime cusub  ee Ciidamada PSF Punntland, kaas oo hoggaamin doono ciidamada.
Ciidanka Puntland waxay sheegeen in go’aanka uu “baalmarsanyahay sharciyada, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban”

“Hoggaanka iyo ciidamada PSF waxay u heelan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni darrada iyo guud ahaan wixii amniga Puntland iyo Soomaaliya ba wax u dhimaya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada Puntland.
Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF ee ciidanka Puntland, sida laga soo xigtay war saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post