228 Views

Mareykanka oo shaaciyay baaxadda dhulka Al-Shabaab laga qabsaday + Khasaaraha

Mareykanka oo shaaciyay baaxadda dhulka Al-Shabaab laga qabsaday + Khasaaraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | March 29, 2023 – Dowladda Mareykanka ayaa boggaadisay guulaha laga gaaray wejiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo shaacisay baaxadda dhulka kooxda looga qabsaday dagaalka socda.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in saddex meelood meel dhulkii ay gacanta ku haysa Shabaab laga fara-maroojiyay intii uu socday wejiga koowaad ee dagaalka oo intiisa badan ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

“Hawl-gallada ay Soomaalidu hoggaaminayeen waxay madax-bannaanidii Soomaaliya kusoo celiyeen saddex meelood meel dhulkii ay sida xun u maamulayeen Al-Shabaab,” ayuu ku yiri Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre qoraal uu udiray VOA.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku yiri Safiirka “Soo af-jaridda caburiska Al-Shabaab waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday dib usoo noolaynta buuxda ee Soomaaliya.”

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa waxa uu natiijada ka dhalatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ku aamanay ciidamada huwanta ah oo iyagu wada dadaalada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, oo sanado badan ka talinaysay qeybo kamid ah dalka.

Mareykanka ayaa dagaalka socda uga qeyb qaatay duqeynta diyaaradaha Drone-ka, kuwaasi oo bartilmaameedsaday xubnaha kooxda, hub iyo saanad ciidan oo uu siiyay Soomaaliya iyo la-howl-galka ciidamada DANAB ee uu tababaray.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u shaacisay in wejigii hore ee gulufka ka dhanka ahaa Al-Shabaab lagu dilay in ka badan 3-kun oo ah maleeshiyaadka ururkaas, laguna dhaawacay 3,700 oo kale.

“Khasaarihii loo geystay cadowga inta lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxaa ay kala yihiin waxaa ka geeriyooday 3,000 oo maleeshiyo ah, dhaawacyada gaarana waa 3,700 oo qaarkood dhibaatada gaartay la daala dhacaya” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa sidoo kale waxaa lagu xoreeyay in kabadan 70-gobood, kuwaasi oo isugu jira deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose, sida deegaanada Aadan Yabaal, Xarardheere, Ceeldheer, Ruun-Nirguud iyo deegàanno kale oo istaratiij ah.

Dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa kusii siqaya wejigii labaad, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka safka hore oo ka madax-banaan howl-galka ATMIS, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

___________________________________________________________________

Xigasho: VOA

____________________________________________________________________

Qaranimo Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post