642 Views

Ramla Cali oo Soomaaliya ku mataleysa ciyaaraha Feerka Olombikada Adduunka

Ramla Cali oo Soomaaliya ku mataleysa ciyaaraha Feerka Olombikada Adduunka
____________________________________________________________________________

Sabti: July 3.  2021


Feeryahanadda Soomaaliyeed ee Ramla Cali ayaa Soomaaliya sanadkan ku matali doonta ciyaaraha feerka ee Olombikada Adduunka ee lagu qabanayo magaalada Tokyo ee dalka Japan, sida ay ku shaacisay barteeda Twitter-ka.

Waxay Ramla sheegtay in ay aad ugu farxsanahay ka qeybgalka ciyaaraha Olombikada Adduunka, isla markaana ay dalkeeda, Soomaaliya, si wanaagsan u matali doonto, iyadoo dhinaca kale u mahadcelisay taageereyaasheeda.


Waxay sheegtay in muddo toban sanadood ah oo ku jirtay feerka ay muujisay dadaal dheeri iyo naf hurid, isla markaana ay dagallantay 75 jeer, ayna ciyaaro feer ah u tagtay 20 dal, haddana ay ku faraxsanahay ka qeybgalka ciyaaraha Olombikada.

Todobaadkii hore ayaa dhinaca kale xiriirka Taekwodo Soomaaliya wuxuu shaaciyay in Munira Warsame oo Ingiriiska ku dhalatay ay Soomaaliya ku matali doonto ciyaaraha Taekwono ee Olombikada Adduunka.

Ciyaaraha Olombikada ayaa 23-ka bishan ka furmi doona magaalada Tokiyo ee dalka Japana, xilli ay weli jiraan xayiraadaha xanuunka COVID-19.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post