1083 Views

Hindiya oo la ciirciireysa mowjadda labaad ee fayraska corona

Hindiya oo la ciirciireysa mowjadda labaad ee fayraska corona
____________________________________________________________________________

May 5, 2021

Lataliyaha ugu sareeya dowlada India ee dhanka sayniska ayaa ka digay in mowjada sedexaad ee fayraska ay lama huraan tahay marka la eego sare kaca virus-ka ku sii faafaya wadanka.

Sarkaalka oo la yirahdo Dr Vijay Raghavan ayaa sheegay in aysan caddeyn goorta mowjadaha soo socda ay dhici doonaan laakiin ay tahay in wadanku uu u sii diyaar garoobo.

Hindiya durba waxay la ciirciireysaa saameynta ba’an ee mowjadda labaad ee fayraska.

Maxkamadda sare waxay ka codsatay dowladda federaalka in illaa berri ay soo gudbiso qorshayaasheeda si loo kordhiyo oksijiinada la geeynayo goobahan caafimaadka ee magaalada Delhi, halkaas oo ay isbitaallada ka cabanayaan gabaabsi dhanka oksijiinka ah.

Dhanka kale afhayeen u hadlay xisbiga Congerska ee Mucaaradka oo la yirahdo , Pawan Khera ayaa BBC-da u sheegay in xukuumaddaraysal wasaare Narendra Modi ay gebi ahaanba ku guul darreysatay xakameynta fayraska corona.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post