651 Views

Guddiga doorashada M/weynaha oo kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Muqdisho

Guddiga doorashada M/weynaha oo kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Khamiis: May 5, 2022

Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, xili kulanka Guddiga uu furay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim.

Sidoo kale, kulanka Guddiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow iyo labada Xoghaye ee Baarlamaanka.

Xubnahaan Guddiga isku dhafka ah ee shalay la magacaabay ayaa ku howlan haatan inay iska dhex doortaan Guddoomiye iyo ku-xigeen kuwaas oo iyaga hoggaan u noqda.

Xilka Guddoomiyaha Xubnaha Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha JFS waxaa u taagan musharixiinta kala ah:
1.Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey
2.Senator Cabdiqani Geele Maxamed.
3.Senator Cabdi Ismaaciil Samatar.

Sidoo kale, Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka u tagaan waxaa ay kala yihiin.

1.Senator Ibraahim Owgaab Cismaan
2.Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed
3. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimoow.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post