717 Views

Maxay gabdhaha Kenyaanka uga daba dhaceen ninkii soo helay maxaabiista “halista ahayd”?.

Maxay gabdhaha Kenyaanka uga daba dhaceen ninkii soo helay maxaabiista “halista ahayd”?.
____________________________________________________________________________

Isniin: November 22, 2021

Wax yar uun ka dib markii Paul Mwaniki uu shacabka uga sheekeeyay sida uu dadaalkiisa ugu caawiyay booliiska in ay soo qabtaan saddex ka mid ah maxaabiista xabsiga Kamiti, ayaa qaar ka mid ah haweenka Kenya ay bilaabeen in ay ka dabadhacaan ninkan.

Haween badan ayaa ninka ku tilmaamay inuu aad u qurux-badan yahay.

Dawladda Kenya ayaa u ballan qaadday in la siin doono 60 milyan oo lacagta dallkas oo u dhiganta 60 kun oo doollar, dadka Kenyanka ah ayaa barta Twitter-ka ku cadaadiyay dowladda inay siiso Mwaniki abaal-marintiisa ka dib markii uu gacan ka geystay in gacanta lagu soo dhigo maxaabiistii ka baxsatay xabsiga Kamiti ee aadka loo ilaaliyo.

Qaar ka mid ah haweenka dalka Kenya ayaa muujiyay sida ay ula dhacsan yihiin Mwaniki, iyaga oo amaanay geesinimadiisa iyo “muuqaalkiisa wanaagsan.”

Mwaniki, oo deggan Ismaamulka Kitui, ayaa warbaahinta u sharraxay sida ay ugu suurogashay in uu helo saddexda nin ee lagu raadjoogay oo la kala yirahdo; Musharaf Abdalla, Mohamed Ali Abiikar iyo Joseph Juma Odhiambo. Waxa uu sheegay in . “si qarsoodi ah ay ku socdeen iyaga oo aan ka fogaanayn waddada si aysan u lumin.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post