822 Views

Wasaaradda Waxbarashadda XFS oo shaacisay in ay qaadeyso Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashadda XFS oo shaacisay in ay qaadeyso Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 12-aad
____________________________________________________________________________


Sabti: June 4, 2022

8-dii bishii may ee dhammaatay ayey ahayd markii Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ay shaacisay in Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee sanadkan 2022-ka uu halis ugu jiro inuu baaqdo, maadama ay wasaaraddu la’dahay lacagihii lagu qaadi lahaa Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanadkaan, hasayeeshee waxaa arrintaas kasoo jawaabay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo amray in deg deg ah loo qabto imtixaanka sidoo kalena la bixiyo dhaqaalaha ku baxayo.

Ismaaciil Yuusuf Cismaan Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaarada Ahna kusimaha Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ay ugu mahadcelinayaan sida uu u amray dhaqaalaha ku baxaya qaadista imitixaanka shahaadiga ee Dugsiyada Sare, isagoo xusay in Madaxweynaha uu Wasaaradda Maaliyadda uu kala hadlay inay arrintaas fududeeyaan.

Wasaaradda Waxbarashadda Waxa ay-u-mahadcelinaysaa Boqolaalka Iskuul ee Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ee qaatay Kaar aqoonsiga Imtixaanka Fasalka 12,aad,(Roll Number) waxa ayna ku wargelinaysaa Iskuulada Aan weli qaadan Kaarka Aqoonsiga Imtixaanka in ay qaataan kama danbeys 04/06/2022.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Waxbarashadda ayaa ku wargelisay Iskuulada Aan weli qaadan kaar Aqoonsiga Roll Number in ay masuuliyadaas iyagu qaadi doonaan wax door ahna Wasaaradda Waxbarashadda ku yeelaan doonin.

18-ka bishaan June ayaa loo madalsan yahay in la qaado Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 12-aad, sida wasaaradda ay shaacisay kal hore, waxaana u fadhiisaneysa Arday fara badan kuwaas oo haatan wada diyaar garowgiii ugu dambeeyay ee la xiriira gakida imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare ee dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post