984 Views

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo gaaray Magalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo gaaray Magalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 23, 2019 —Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa goordhow gaaray wafdi uu hogagaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dowladda federaalka Soomaaliya,kuwaas oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho.

 

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan Baartlamaanka Soomaaliya ayaa Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed.

 

U jeedka wafdiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ay Maanta u tageen Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in Magalada Baydhabo ay ka furi doonaan shir looga hadlayo Arrimaha gargaarka,isla markaana ay ka qeyb galayaan wufuud kala duwan.

 

Sidoo kale wafdiga ayaa inta ay ku sugan yihiin waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonan Madax ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed, iyaga oo kala hadli doona Arrimo dhowr ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment