396 Views

Laba eedaysane oo Gudaha Maxkamad jowhar oo uu ku Dhex Toogtay Qofkii soo eedeeyey

Laba eedaysane oo Gudaha Maxkamad jowhar oo uu ku Dhex Toogtay Qofkii soo eedeeyey
____________________________________________________________________________

Isniin:  February 13 , 2023

Labada qof ee lagu dilay maxkmadda Jowhar waxa ay ku eedeysnaayeen dilka wiil yar oo uu dhalay askari ka tirsan ciidanka deegaanka ee Jowhar, isla Askariga wiilka dhalay ayaana dilay labada eedeysane.

Arrintaan ayaa sumcad darro weyn ku ah hanaanka garsoorka ee maamulka Hirshabelle, Waxaana Goobta isaga Baxsaday Askirigii Laayay eedaysanayaasha asaga u eedaysanaa.

Maamulka Hirshabeele ayaana Wali Ka Hadlin Arinkaan Layaabka leh ee Goordhow Ka Dhacay Gudaha Maxkamada Jowhar.

Meydka Wiilka Yar ee uu Dhalay Askariga Dilay Maxaabiistaan ayaa Maalmo Ka hor laga Helay Kanaalka Barwaaqo ee Xaafada Jowhar Asagoo aad loo Jirdilay Xarigna Qoorta Looga Xiray.

Askariga Dilay  Maxaabiistaan ayaa Ka Tirsanaa Ciidamo La magac Baxay Afjar oo Saldhigoodu yahay Deegaanka Xawaadleey Halkaas ayaana La Sheegay Inuu Ubaxsaday.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post