1107 Views

Midowga Africa oo ka saarey dalka Sudan xubinnimadii Midowga

Midowga Africa oo ka saarey dalka Sudan xubinnimadii Midowga
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 27, 2021

Midowga Africa, ayaa ka saarey dalka Sudan xubinnimadii iyo dhammaan hawlaha ururkani, illaa iyo inta lasoo celinayo dowlad kumeel gaar ah oo heysata sharciyad buuxda, oo uu dalkaasi yeesho. Waxaa lagu tilmaamey afgambigii dhacey Isniintii mid aan waafaqsaneyn dastuurka.

Mudaaharaadyo loogga soo horjeedo la wareegista ciidanka military-ga talada dalka Sudan, ayaa ka socda maalintii saddexaad magaalada caasimadda Khartoum.

Ururada ganacsiga, oo matalaya dhakhaatiirta iyo shaqaalaha shirkadaha shidaalka, ayaa sheegay sidoo kale iney ku biirayaan dibad baxyada.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa kula hadley taleefanka ra’iisal wasarihii xilka laga tuurey, kadib markii uu gurigiisa dib uggu noqdey.

Abdalla Hamdok, ayaa la xirey intii uu socdey afgambiga. Mr Blinken, ayaa mar kale ku booriyey ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan, iney sii daayaan hoggaamiyeyaasha rayidka ee u xiran.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post