135 Views

Madaxweyne Dib u Dhigay Magacaabista Guddiga Ansixinta Xubnaha Baarlamaanka Cusub

Madaxweyne Dib u Dhigay Magacaabista Guddiga Ansixinta Xubnaha Baarlamaanka Cusub
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dib u dhigay magacaabista guddiga ansixinta baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka, si xal looga gaaro khilaafka baahsan ee u dhaxeeya Xukuumadda iyo Baarlamaanka maamulka Puntland.

Senator Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole madaxweynihii hore ayaa ku howlan sidii xal looga gaari lahaa ismariwaaga siyaasadeed ee caqabadda ku ah in la bilaabo xulista baarlamaanka 66 xildhibaan ee lagu heshiiyay in doorashada ay ku dhacdo marka la eego sida xaalku yahay.

Guddigan dhex dhexaadinta waxay madaxweynaha Puntland ku booriyeen inuu soo dhiso guddi heshiis lagu yahay oo heli kara kalsoonida musharraxiinta madaxtinimada maamulka, xilli siweyn la isugu khilaafsan yahay xubnaha guddiga oo magacaabistooda dib uu dhacay.


Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland ayaa dhowaan laashay go’aankii ahaa in golaha jooga ay soo doortaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka muddo sanad ah, kadib, taas oo dhalisay khilaaf keenay in la isku mari waayo ugu dambeyna maxkamuddu ay ku laashay.


Doorashada madaxtinimada Puntland waxaa ka harsan 23 cishe oo kaliya, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafka doorashada uu dib u dhac ku keeno waqtiga doorashada loo asteeyay oo ku beegan siddeeda January 2024, taas oo loo badinayo inaan lagu qaban karin olole ayaa socda.

___________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post