1185 Views

Madaxweynaha Qaramada Midoobay oo cambaareeyay af-genbiga ka dhacay Mali

Madaxweynaha  Qaramada Midoobay oo  cambaareeyay af-genbiga ka dhacay Mali
____________________________________________________________________________

June 1/2021

Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Volkan Bozkir, ayaa cambaareeyay af-genbiga ka dhacay dalka Maali, wuxuuna ku baaqay in dalka lagu soo celiyo dimuquraadiyad iyadoo si nabad ah la isagu wareejinaayo xilka.

Bozkir ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dalka Maali,wuxuuna ugu baaqay caalamka in ay ka horyimaadaan af-genbiga military ee dalkaas ka dhacay.

Ciidamada dalka Maali ayaa xiray madaxweynihii kumeel gaar ahaa iyo ra’iisal wasaarihii dalkaas  isniintii lasoo dhaafay, waxeyna ku qasbeen in ay is casilaan.

Maxkamadda Dastuuriga  ee Maali ayaa ku u dhawaaqday jimcihii in  General Guetta uu noqdo  madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaas.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post