486 Views

Guddoomiyaha guddiga Midowga oo cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ka fulisay marinka Qaza ee Falastiin.

Guddoomiyaha guddiga Midowga oo cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ka fulisay marinka Qaza ee Falastiin.
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 8, 2022

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ka fulisay marinka Qaza ee Falastiin.

Duqeymaha Israa’iil waxaa ku dhintay in ka badan 30 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan lix carruur ah.

“In la beegsado dad rayid ah waa tallaabo kasoo horjeeda xeerarka caalamiga ah, Midowga Afrika wuxuu Falastiin ku taageerayaa dadaallada ay ku doonayaan inay ku noqdaan dal madaxbanaan oo ay caasimaddiisu tahay Bariga Quddus” ayuu yiri Moussa Faki Mahamat.

Hadalkan kasoo baxay Midowga Afrika ayaa imaanaya saacado uun kadib markii kooxda hubeysan ee ka dagaallanta Falastiin ee Islamic Jihad iyo Israa’iil ay wada gaareen heshiis xabad joojin ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post