1326 Views

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku gacan seeray go’aanka ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ)

Madaxweyne  Uhuru Kenyatta oo ku gacan seeray go’aanka ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ)
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 13, 2021

Saacado kadib go’aankii  Maxkamadda Caalamiga ahee ICJ. Waxaahadlay Madaxweynaha Kenya waxa uuna ku tilmaamay mid cadaalada ka fog.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku gacan seeray go’aanka ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ka gaartay kiiska murankii badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in xariiqda xuduudda labada dal ay noqoto mid toos ah oo ah sida ay Soomaalida codsatay, halkii ay xariiqda ka noqon laheyd mid lool ah oo ah sida ay Kenya dalbatay, waxayna Maxkamadda inta badan dhul-badeedkii la isku hayey siisay Soomaaliya.

Sidoo kale Isaga oo ka hadlaya go’aanka, ayaa Kenyatta wuxuu sheegay in natiijada ay aheyd mid “labada dhinac uu mid la laabtay waxba,” wuxuuna sheegay in Kenya aysan aqbaleyn oo aysan aqoonsaeyn.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post