381 Views

Nin cilmi-baare ah oo u dhashay dalka Colombia oo geeriyooday kadib markii uu ku durduriyay Maroodi

Nin cilmi-baare ah oo u dhashay dalka Colombia oo  geeriyooday kadib markii uu ku durduriyay Maroodi
____________________________________________________________________________


Talaado: April 12, 2022

Nin cilmi-baare ah oo u dhashay dalka Colombia ayaa geeriyooday kadib markii uu ku durduriyay Maroodi ku jira beerta xayawaanaadka ee dalka Ugandha oo la yiraahdo Kibale National Park.

Sebastián Ramírez Amaya, oo ka tirsan jaamacad ku taalla dalka Mareykanka ayaa cilmi-baaris joogto ah ka waday kaynta beerta waxaana la joogay xilliga ay wax dhaceen koox isaga ka caawinaysay howsha barista sida ay sheegtay hay’adda duurjoogta ee magaceeda loo soo gaabiyp (UWA).

“Waxay la kulmeen Maroodi keligiis socda kaas oo ku soo orday waxaa qasab ku noqtay laba nin inay u ordaan jihooyin kala duwan. Maroodigu wuxuu raacdaystay Sebastian oo uu ku tuntay ilaa uu geeriyoodo”. ayuu yiri “Afhayeenka hay’adda UWA Bashir Hangi.

Weerarkaan uu Maroodigu ka gaystay beerta xayawaanaadka ee Kibale ayaa noqonaya kii ugu horreeyay muddo 50 sano laga joogo oo halkaa ka dhaca .

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post