3999 Views

Soomaaliya Oo Yeelaneysa Maraakiib Dagaal

Soomaaliya Oo Yeelaneysa Maraakiib Dagaal
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 17, 2016: Dowaladda Federaalka Soomaaliya ayaa samaysanaysa maraakiib ilaalisa Xeebaha Dalka iyada oo hada si ay socoto Samaynta tiradii ugu horaysay oo gaaraysa ilaa lix markab oo ah kuwa loogu tala Galay ilaalada Xeebaha

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Dr Ali Sa”id Faqi oo booqday Goobta lagu diyaarinaayo Maraakiibta ayaa waxaa uu sheegay in ay guul taariikh ah u tahay Soomaaliya in loo sameeyo Maraakiib Ilaalisa Xeebaha Dalka kana ilaalisa wax walbo oo halis ku ah Soomaaliya  ee ka yimaada dhanka badda.

Waxaa uu sheegay in Hadii lagu guuleysto Sameynta Marakiibtaan oo hada howsheeda ay socoto in ay amaanka xeebaha wax ka qaban dooonaan sida burcadbadeedka , kuwa hubka sharci darada Soo galinaya Dalka iyo waliba ku wa kalluumeysiga sharci darada ah ka wada Biyaha Soomaaliya .

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaa heshiiis la gashay shirkada hada ku howladan Samaynta Maraakiibtaan taas oo la yiraahdo Atlantic marine offshore.

Bishii Julay 28, 2013, heshiiska maraakiibtaan Soomaaliya loogu sameeyo, waxaana Somaaliya u saxiixay Wasiir kii Hore ee Gaashaandhiga Abdihakim Mohamoud Haji-Faqi.

Heshiiskan ayaa goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Shiikh Maxamuud iyo Ra”iisulwasaarihii Xiligaas Dr Sacid Farax shirdoon,kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

m1m5m6m8

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment