1164 Views

Naledi Manyoni “ Waxa kaliya ee aan samayn karay ayaa ahaa inaan aamino

Naledi Manyoni “ Waxa kaliya ee aan samayn karay ayaa ahaa inaan aamino
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 14, 2021

Hooyada canugeeda u soo tuurtay dad badan oo hoos taagnaa dhisme uu qiiq ka baxayo oo ku yaal magaalada xeebta ku taal ee Durban ee waddanka Koonfur Afrika, ayaa waxa ay BBCda u sheegtay in ay aad ugu mahadcelinayso dadkii badbaadiyay gabadheeda, taas oo laba sanadood jirsan doonta bisha soo socota.

“Waxa kaliya ee aan samayn karay ayaa ahaa inaan aamino dad aanan weligay arag,” ayey tiri Naledi Manyoni, oo ah 26-jir, waxa ayna intaas ku dartay in iyada iyo gabadheeda Melekuhle ay haatan wanaagsan yihiin kaddib xaaladdii adkayd ee ay soo mareen.

Filimqaadaha BBCda Thuthuka Zondi ayaa duubay markii haweenaydaasi ay soo tuuraysay Melokuhle, isagoo fiidkii Talaadada marayay mid ka mid ah waddooyinka mara bartamaha magaalada Durban halkaas oo ay galeen kooxo waxboobayay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post