867 Views

laftagareen oo AMISOM u gudbiyey qorsho ka dhan ah Al-Shabaab

laftagareen oo AMISOM u gudbiyey qorsho ka dhan ah Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad  , March 1, , 2020 —Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed caqabada ka jirta kaliya ay ku hayaan Al-Shabaab,isla markaana degmooyin badan ay go’doomiyeen.

 

Waxaa u sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu xiligaan u baahan yahay in lagala Shaqeeyo sidii la isugu furi lahaa wadooyinka u xiran Al-Shabaab oo uu sheegay inay saameyn ballaaraan ku yeesheen degmooyinka Koonfur Galbeed qaarkood.

 

 

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla deegaannada Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay inay Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed kala Shaqeeyaan sidii dhamaan loo furi lahaa wadooyinka u xiran Al-Shabaab loogana saari lahaa degmooyinka ay heystaan.

 

“Degmooyinka Koonfur Galbeed oo qaar kamid ah Al-Shabaab ayaa heysto oo u baahan in laga xoreeyo,saraakiisha ciidanka Dowladda waxaaan ka codsanayaa AMISOM inay nagala Shaqeeyaan in la isku furo jidadka degmooyinka Koonfur Galbeed ayuu yiri”Laftagareen.

 

Hadalkaan ayaa Madaxwyenaha Koonfur Galbeed waxaa uu ka sheegay munaasabad soo dhaweyn ah oo xalay lagu qabtey Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment