108 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku laabtay furimaha dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku laabtay furimaha dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
____________________________________________________________________________

DHUUSAMAREEB — Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xunta maamulka Galmudug, halkaas oo uu ‘ka hoggaamin doonoo dhammeystirka howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta oo ka socda deegaannada Galmudug’ sida ay sheegtay madaxtooyada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo shacabka magaaladaas.

Madaxweynaha Soomaaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sannadkii lasoo dhaafay saldhiggissu ahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxaana tan iyo markii dib loo soo doortay uu hoggaaminayay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawisleyda ay Al-shabaab uga xoreeyeen degmoyin iyo magaalooyin badan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post