324 Views

Booliska Brazil oo dib ula wareegay dhismaha baarlamaanka kadib Banaanbaxyo ka dhacay Dalkaas

Booliska Brazil oo dib ula wareegay dhismaha baarlamaanka kadib Banaanbaxyo ka dhacay Dalkaas
____________________________________________________________________________

Talaado: Jannaayo 2023

Madaxweynaha Brazil Luis Inacio Lula da Silva, ayaa aqalka koonagreeska iyo dhismayaasha kale ee dowladda ee ku yaalla Brasilia, saacado uun kadib markii halkaas ay weerar ku qaadeen taageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil, Jair Bolsonaro.

Booliska ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta goobihii ay ku sugnaayeen taageerayaasha, iyadoo boqolaal qof la xiray.

Mar sii horeysay, Madaxweyne Lula da Silva ayaa sheegay in kuwii weerarka geystay lasoo qaban doono isla markaana tallaabo laga qaadi doono.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Mr Bolsonaro ayaa diiday in ay aqbalaan guuldaradii doorashadii ka soo doorashada iyo guusha uu gaaray madaxweyne Da Silva.

Madaxweynihii hore – oo hadda ku sugan Mareykanka — ayaa beeniyay inuu kicinayo qalalaasaha.

Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in uu waligiis ixtiraami jiray dastuurka iyo sharciga Brazil..

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post