555 Views

Shir looga hadlayay Mustaqbalka Amisom ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Shir looga hadlayay Mustaqbalka Amisom ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 29, 2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay shir wadatashi ah oo ay magaalada Muqdisho kula yeellatay guddiga Midowga Afrika iyo AMISOM.

Shirkaan waxaa looga hadlay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo dib u habeyn lagu sameeyay. Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika waxay isku raaceen mabaadi’dii hagi doonta ka-qayb qaadashada kala guurka dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika sanadka 2022-ka, taas oo ay ku heshiiyeen in hawsha guddigii farsamada dib loo bilaabo, lana dhammeeyo shaqada farsamada ugu dambayn 11-ka February ee sanadka soo aadan.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay AMISOM, ka qayb galka howlagallada lagu nabadeynayo dalka Soomaaliya iyaga oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya. War-saxaafadeedka ka soo baxay dowladda iyo AMISOM ayaa lagu yiri qorala sidaan u dhignaa.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday in la gaaray waqtigii AMISOM ay u xuubsiiban lahayd Hawlgalka Ku-Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo Qirshaga Kala-Guurka (STP), kaas oo natiijadiisa ah in si buuxi lagu hanto amniga dalka dhammaadka 2023ka”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post