1107 Views

Soomaalida Ku Nool Denmark Oo Kaalinta Sare Kaga Jira Dembiyada Ay Muhaajiriinta Geystaan

Soomaalida Ku Nool Denmark Oo Kaalinta Sare Kaga Jira Dembiyada Ay Muhaajiriinta Geystaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 06,, 2019  –Wargeyska waxa uu dib-u-eegis ku sameeyey xukunnadda ay ku jiraan dilalka iyo Isku-dayga dilka iyo Dembiyadda rabshadaha leh iyo falalka dhaca ee ka dhacay dalkaasi muddadii u dhexeysay bishii Janaayo ee sannadkii 2014-kii ilaa bishii November ee sannadkii 2018-kii, iyadoo ay Muhaajiriinta Soomaalida ku nool dalkaasi ay noqdeen kuwa ugu sarreeya falalka Dembiyadda.

Tiro-koobka Dembiyadda ka dhacay dalkaasi waxaa lagu muujiyey inay dadka Soomaalida galeen 1,111 falal-dembiyeedyo, waxaana ku xiga Muhaajiriinta ka soo kala jeeda dalalka Iraq iyo Turkiga.

Sannadkii la soo dhaafay, Wasiirka Socdaalka ee dalka Denmark, Inger Støjberg waxay si toos ah ula hadashay Muhaajiriinta ku nool dalkaasi, waxayna ku boorisay inay dalkooda dib ugu laabtaan, kana qeyb galaan Dib-u-dhiskiisa.

“Haddii aadan muddo dheer u baahnayn Badbaadinteena iyo inaysan noloshiisa khatar ku gelaynin dalkiina hooyo, gaar ahaan Somalia, waa inaad dib ugu laabataan Hoygiina iyo Dib-u-dhiska dalka aad ka timaadeen” ayey tiri Wasiirka Socdaalka ee dalkaasi.

Bilowgii sannadkan, Ra’isul-wasaaraha Denmark, Lars Løkke Rasmussen waxa uu hadlay arrintaasi, isagoo sheegay inuu door-bidayo inay dadka Soomaalida si iskooda ah uga baxaan Denmark, wuxuuna meesha ka saarin Masaafurin ama Dib-

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment