765 Views

Ciidamada Liyuu boolis iyo Al Shabaab oo Dagaal ku dhexmaray Duleedka Magaalada Feer-Feer

Ciidamada Liyuu boolis iyo Al Shabaab oo Dagaal ku dhexmaray  Duleedka Magaalada  Feer-Feer
____________________________________________________________________________

\Isniin: July 25, 2022

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Liyuu booliska iyo dagaalyahannada Al Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Laas-qurun oo aan ka fogeyn xarunta degmada Feer-Feer, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ku sugan Feerfeer.

Ciidamada Liyuu Booliska ayaa la sheegay inay dagaal ku qaadeen dagaalyahannada Shabaab oo kasoo tallaabay dhinaca Soomaaliya.

Rasaasta ayaa la sheegay in laga maqlayo Feer-Feer oo qiyaastii 20 km u jirta goobta lgu dagaalamaya oo ah gudaha xadka itoobiya.

Lama ogo khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Sidoo kale, Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Federaalka Itoobiya ayaa kasoo dhaqaqaaqay magaalada Godey ee dowlad deganka Soomaalida, kuwaas oo ku wajahan deegaanada dhaca Xaduudaha oo ay maalmihii u dambeeyey dagaalo ku dhexmarayeen ciidamada dowlad degaanka & Al-Shabaab.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxummed Cumar oo Ciidamada soo sagootiyay ayaa kula dardaarmay inay gutaan waajibaadkooda qaran, isla markaana ay dagaal adag la galaan Al-Shabaabka weerarka kusoo qaaday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post