363 Views

Maxkamada xuquuqul insaanka ee Yurub oo ku dhaliishay Turkiga in uusan u hogaansamin

Maxkamada xuquuqul insaanka ee Yurub oo  ku dhaliishay Turkiga in uusan u hogaansamin
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Maxkamada xuquuqul insaanka ee Yurub ayaa ku dhaliishay Turkiga in uusan u hogaansamin go’aankii ay horay u soo saartay ee ahaa in la sii daayo ganacsadaha iyo samafalaha Cusmaan Kavala.

Maxkamada Strasbourg ayaa sheegtay in Turkiga uu ku xadgudbay heshiiska xuquuqul insaanka ee Yurub, waxaana ay cusboonaysiisay baaqeeda ah in si degdeg ah loo sii daayo. Mr Kavala ayaa xabsiga ku jiray ku dhawaad shan sano.

Xukunkii ugu dambeeyay ayaa lagu riday bishii April, markaasoo lagu helay dambi ah inuu isku dayay inuu afgambiyo dowladda Turkiga, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in oo aan la sii dayn.

Xukunka isniinta ayaa horseedi kara in Turkiga laga joojiyo xubinnimada golaha Yurub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post