711 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta-gareen Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Lafta-gareen Soo Gaaray Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________


Axad January 3, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maalmihii lasoo dhaafay shaqo safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxwyne Lafta-gareen ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhweeyay Xildhibaano, xubno ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen uu dalka Turkiga kulan kula soo qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga iyo xubno kale, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka baaqday Shirkii Madasha Arragti Wadaaga oo soo qaban qaabiyay Machadka Cilmi baarista  ee Heritage, kaasi oo saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Garoowe.

Shirka ayaa looga hadlayay arrimaha siyaasadda, amniga, arrimaha bulshada, iyadoo cinwaanka Madashan uu ahaa Sidee Soomaaliya uga bixi kartaa Kumeel gaarnimada daba dheeraatay sanadka 2025, si loo helo dastuur dhameystiran, nidaam Federaal shaqeynaya, doorasho qof iyo cod iyo qodobo kale.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ka baaqday Shirkaas, waxaana ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Xildhibaano, Wasiiro, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiin badan oo lagu casuumay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post