495 Views

Wafdi ka socda DFS oo kulamo ka wado Geneva

Wafdi ka socda DFS oo kulamo ka wado Geneva
____________________________________________________________________________

Arbaco:  25/2022

Wafdi ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Drs. Fawziya Abikar Nur oo ku sugan magalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxa ay halkaasi ka bilaabeen shiray ay layeesheen Ma’uuliyiin ka tirsan hay’addaha caafimaadka.

Shirkaan oo ah mid sanadkiiba la qabto mar waxaa uu ka furmay labo maalmood kahor magaalada Geneva ee dalka Switzerland, iyadoo ay kasoo qeyb galeen Wasiiro caafimaad oo ka kala socda dalal iyo Mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan kuwa Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO.

Shirka koobaad oo wafdigu ay la yeesheen Isbahaysiga Tallaalka Adduunka ( GAVI ) ayaa waxaa looga hadlay siddii loo baahin lahaa Tallaalada cudurrada dilaaga ah (sida Gowracatada, Qoorgooyaha, Dabeysha, Qaaxada, Teetanada & Cagaarshowga) loona cirib tiri lahaa xanuunadan iyaga ah.

Intii Shirku socday waxaa aad looga hadlay siddii loo yarayn lahaa carruurta aan talaalayn;  Sidoo kalana loo baahin lahaa helitaanka Tallaaka ka hortaga xanuunnada kala ah Oofwareenka iyo Qoorgooyaha ku dhaca Carruurta.

Oofwareenku waa cudurka koobaad ee dilla Carruurta ka yar 5 sano, sidaa daraadeed waa muhiim in laga hortago maadaama uu  Sanadwalba xanuunkani dilo inka baddan 15 kun oo carruurteena ka mid ah.

Soomaaliya oo ka mid ah wadamada uu xanuunkani sida xoogan ugu dillo carruurta da’dodu ka yar tahay 5 sano ayaa helitaanka talaalkani wuxuu leeyahay muhiimad gaar ah sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post