465 Views

xukuumadda Soomaaliya oo shegtay in Gargaar Bini’aadanimo uu Imaaraadku geeni Dono Soomaaliya

xukuumadda Soomaaliya oo shegtay in Gargaar Bini’aadanimo uu Imaaraadku geeni Dono Soomaaliya
____________________________________________________________________________


Talaado: February 1, 2022

Saalax Axmed Jaamac wasiirka dastuurka soomaaliya oo qeyb ka ah safarka Ra’iisul wasaare Rooble ee ku sugan dalka isutagga imaaraatka carabta ayaa mar uu la hadlay BBC-DA waxa uu sheegay in xukuumadda imaaraatka ay soomaaliya keeni doonta maalmaha soo aaddan gar gaar bini,aadinnimo oo badan kaas oo loogu talagelay dadka ay sameeyeen abaaruhu.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in is faham laga gaaray waxyaabihii mad madmadowgga ahaa ee kala jaray xiriirka labada dowladood ee soomaaliya iyo imaaraatka haatanne ay ka shaqeyn doonaan labada dhinac wanaajinta xiriirkooda.

Wasiirka dastuurka soomaaliya saalax axmed jaamac oo la weydiiyay waxyaabaha ay ku xaliyeen mar haddii soomaaliya ay horay ugu eedeysay imaaraatka faragelin ku aaddan siyaasadda arrimaha gudaha soomaaliya ayaa ku jawaabay.

“Xiriirka soomaaliya iyo imaaraatka ayaa sanado xumaa kaddib markii dowladda imaaraatka lacag ku dhow 10 milion ay laamaha Ammaanka soomaaliya kagga qabteen garoonka diyaaradaha aadan cadde wixii markaa dambeeyay oo xiriirka labada dowladood uu go,ay, Hayeeshee maalmaha ka hor ayaa Ra’iisul wasaare Rooble raalli gelin ka bixiyay dhacdadaas haatanne labada dowladood xiriirkooda ayaa dib loo soo celinayaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post