780 Views

Ciidamada Dowlada oo Duleedka dhuusamareeb kula dagaalamay alshabaab

Ciidamada Dowlada oo Duleedka dhuusamareeb kula dagaalamay alshabaab
____________________________________________________________________________

June 20 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar qorshaysan oo ay Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa maamulka Galmudug ay saakay kula dagaalameen Dagaalyahada alshabaab duleedka dhuusamareeb.

Ciidanka milatariga Soomaaliya ee jooga Dhuusamareeb ayaa saakay ku qaaday Weerar deegaanka Orshe oo aan ka fogayn dhuusamareb oo ay joogeen Dagaalyahada Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal socday mudo kooban.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda ay howlgal ku qaadeen deegaanka Orshe oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay dagaal kadib la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Orshe oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post