729 Views

Faransiiska oo laga helay kiiskii ugu horreeyay ee fayraska cusub

Faransiiska oo laga helay kiiskii ugu horreeyay ee fayraska cusub
____________________________________________________________________________

Faransiiska ayaa xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee nooca cusub ee fayraska corona ee dhawaan laga helay dalka Ingiriiska.

Wasiirka Caafimadka ee Faransiiska ayaa sheegay in qofkii ugu horreeyay ee u dhashay dalkaas oo dhawaan ka yimid magaalada London laga helay fayraska.

Wasiirka ayaa sheegay in karantiil qofkaaas lagu geliyay gurigiisa.

Dalalka Yurub ayaa dhawaan xayiraado cusub ku soo rogay dalka Ingiriiska, kadib markii dalkaasi laga helay nooc cusub oo Coronavirus ah.

Nooca cusub ee fayraska korona, ayaa si degdeg ah ugu faafay magaalada London iyo Koonfurta-Bari England.

Qaar ka mid ah waddamada reer Yurub ayaa joojiyay dhammaan duullimaadyadi Ingisriiska ka imanayey.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post