1011 Views

Shir ku saabsan amniga doorashada oo Kismaayo lagu qabtay

Shir ku saabsan amniga doorashada oo Kismaayo lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliya Jeneral Cabdi Maxamed Xasan Xijiaar ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay saraakiisha ciidamada booliska Jubbaland ee ka howlan sugida Amniga magaalada Kismaayo.
Taliyaha ayaa kala hadlay xaqiijinta nabadgalyada shacabka iyo masuliyiinta ka qeybgalaya doorashada labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka ee dhawaan ka dhici doonta Kismaayo

Doorashadan ayaa lagu wadaa inay dhawaan ka dhacdo magaalada Kismaayo, waxaana taliye Xijaar uu kormeeray dhamaan xarumaha Ciidamada booliska ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.
Ciidanka booliska Jubbaland ayaa leh talis ka madax banaan booliska Federaalka , waana maamulka labaad eel eh ciidan boolis ah oo dowladda dhexe hoos tagin.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post