909 Views

Hoobiyeyaal Lagu Garaacay Owdhiigle iyo Khasaaro ka Dhashay

Hoobiyeyaal Lagu Garaacay Owdhiigle iyo Khasaaro ka Dhashay
____________________________________________________________________________

Isniin: April 25, 2022\

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa 10 ayaa lagu garaacay saldhiyo ciidamada Gorgor iyo kuwa 14-ka October ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana sidoo kale madaafiicda qaar ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad rayid ah.

Ugu yaraan hal qof oo aheyd gabar 8 jir ah ayaa ku geeriyootay weerarkan, taas oo uu madfac ugu tegay guri ay ku sugneyd, waxaa sidoo kale ku dhaawamay 12 qof oo kale.

Dadka dhaawacmay 3 ka mid ah waa askar, halka sagaalka kalena ay yihiin dad shacab ah oo aan waxba galabsan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliyaboo ku aadan weerarkaasi, balse waxay iyaguna ku jawaabeen maadaafiic culus.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa degmada Awdheegle iyo duleedkeeda ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post