912 Views

Borris Johnson oo G7 u sheegay in dalalka saboolaka ah la siiyo talaalka COVID 19

Borris Johnson oo G7 u sheegay in dalalka saboolaka ah la siiyo talaalka  COVID 19
____________________________________________________________________________

June 7 2021

Ra’isul Wasaarahaa Ingiriiska Borris Johnson ayaa sheegay in uu ku boorrin doono madaxda kasoo qayb galeysa kulanka waddamada G7 ee la filayo in uu Jimcaha soo socda ka dhaco magaalada Cornwall in caalamka oo dhan la gaarsiiyo tallaalka xanuunka COVID-19 dabayaaqada sannadka 2022.

Dalalka Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Japan ayaa sheegay tirada tallaalka ay ugu deeqi doonaan Mashruuca Wadaaga Tallaalka Caalamka ee COVAX ee ay maamusho Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, laakiin Britain iyo Canada ma cayimin tirada ay bixin doonaan.

Sidoo kale Ra’isul Wasaarahaa Ingiriiska Borris Johnson ayaa arintaan ka dhawaajiyay Xili dalalka Saboolka ah qaar ka mid ah ay awoodi la yihiin Qeybtii koowaad ee talaalka halka kuwa kalana ay ka Goday qeybtii labaad sida dalalka Kenya iyo Somaliya oo kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post