858 Views

SAWIRO:- Xubno ka tirsan DFS & dowlad Goboleedyada oo shir uga furmay Kismaayo

SAWIRO:- Xubno ka tirsan DFS & dowlad Goboleedyada oo shir uga furmay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Maanta ka furmay Shirka Waxbrashada Dalka, kasoo oo lagu gorfeyn doono Horumarinta Manhajka Waxbarashada Iyo Hannaanka Imtixaanaadka Dalka.
SHirka waxaa goobjoog ka ah Wasaaradaha Waxbarashada Federaalka, dhammaan Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirka oo socon doona muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa Madaxda ay diirada ku saarayaan daadajinta Adeegyada Waxbarashada iyo xoojinta taya-dhowrka Waxbarashada.

Shirkaan ayaa waxaa uu noqonayaa shirkii labaad oo ay yeesheen Xubno ka socda Wasaaradaha waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya & dowlad Goboleedyada, waxanaa geba-gabadiisa laga soo saari doonaa Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post