354 Views

Kooxo hubeysan oo saaka toogasho ku dilay gudoomiye waaxeed ka tirsan Maamulka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir

Kooxo hubeysan oo  saaka toogasho ku dilay gudoomiye waaxeed ka tirsan Maamulka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Talaado: February 7, 2023

Kooxo hubeysan ayaa saaka toogasho ku dilay gudoomiye waaxeed ka tirsan Maamulka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Marxuum Cabdi Muuse (Cabdi Olol) oo ahaa gudoomiyihii waaxda 1da Maajo ee degmada Waaberi ayaa lagu dilay wadada Via-Liberia oo ka tirsan degmadaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo bastoolado ku hubeysnaa ay goobta ka baxsadeen markiiba.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa Xumaa Maalmihii lasoo dhaafay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post