951 Views

Wasiirka Arimaha gudaha Hirshabelle oo la kulmay Safiirka Ingiriiska

Wasiirka Arimaha gudaha Hirshabelle oo la kulmay Safiirka Ingiriiska
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 28 2020—Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cali Caadle ayaa saaka kulan la qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska Mudane Ben Fender.

Labada masuul ayaa iska waraystay marxaladda kala guurka ah ee Hirshabeelle, arrimaha amniga, dib u heshiisiinta iyo sida doorashooyinka ku soo fool leh ay u noqon lahaayeen kuwo xor iyo xalaal ah.

Ugu danbaynti, Wasiirka ayaa Safiirka uga mahadceliyay taageerada ay dowladdiisu la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday in ay si gaar ah u garab istaagaan Hirshabeelle maadaama uu yahay dowlad gobaleedka ugu nugul ee ugu da’da yar.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post