1131 Views

SAWIRO: Banaanbaxa ka socda Muqdisho oo xoogeystay

SAWIRO: Banaanbaxa ka socda Muqdisho oo xoogeystay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 13, 2019 –Banaanbaxa rabshaddaha wata ee Isgoyska Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho ayaa xoogeystay, waxaana la xiray inta badan Suuqa Bakaaraha goobaha ganacsiga ee ku yaalla.

Banaanbaxa ayaa ka dhashay ka dib markii Askari ka tirsan Ciidanka dowladda uu dilay Mooto Bajaajle iyo ruuxii saarnaa Mootada.

Darawaladda Mootooyinka loo yaqaano Bajaajta ayaa sheegay in ay banaanbaxa wadayaan tan iyo inta Caddaaladda la horkeenaayo Askarigii dilay dadka Shacabka ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiran inta badan Wadooyinka muhiimka ah,waxaana heysta dhibaatooyin dadka Shacabka ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment