894 Views

Ruux ku eedeysan fal dil ah oo lagu maxkamadeenayo Canada

Ruux ku eedeysan fal dil ah oo lagu maxkamadeenayo Canada
____________________________________________________________________________

 Sabti: April 30, 2022

Wararka ka imaanaya magaalada idmonton ee gobolka albeerta ee dalka Canada ayaa sheegaya in pooliiska magaaladaas ay gacanta ku dhigeen nin asalkiisu soomaali yahay kaasi oo horay u geystay dil.

Cabdicasiis maxamed oo soomaali Canadian ah ayaa loo heystaa dilka qof caddaan ah kaasi oo tooreey ku dilay kaddib markii ay ku murmeen maqaaxi cunto lagu cuno.

Wixii markaa ka dambeeyay ayaa cabdicasiis iskaga baxsaday goobta uu falka ka dhacay islaamrkaana la baadi goobayay muddo dheer, waxaase suurta geshay in gacanta lagu dhigo loona dhaa-dhiciyo xabsiga.

Booliiska dalka Canada oo horay cabdi casiis maxamed madaxiisa u dulsaaray 250,000$ kaasi oo la siinayo cidda soo sheegta xogta cabsdi casiis ayaa la tilmaamay in maalmaha soo aaddan ay soo taagi doonaan maxkamadda si uu umaro caddaaladda.

Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa cabsi xooggan ay lasoo deristay kagadaal markii dhalinyarada soomaaliyeed ay qayb qaataan dilalka ay u geysanayaan dadyowga kale iyo kuwa iyaga dhexdooda ah isku geysanaya.

Waxaana xusid mudan in cabdi casiis maxamed xilliga la qabanayay uu isticmaalayay ducomentiyo been abuur ah taasi oo lagu micneeyay in dambi kale oo dheeri ah ay tahay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post