1188 Views

Saacadaha Wadamada Islaamka laga soomi doono sanadkaan 2020/1441H.

Saacadaha Wadamada Islaamka laga soomi doono sanadkaan 2020/1441H.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 25 2020–Maalintii labaad ayaa guud ahaan caalamka maanta laga sooman yahay, waxaana kala duwan waqtiga ay af-xirnaanayaan Saaimiinta dalalka kala duwan ee Adduunka sida waqtigooda u kala duwan yahay oo kale.

Halkaan waxa aan idin kugu soo gudbineenaa sida ay u kala saacado badan yihiin dalalka caalamka inta lagu guda jiro soonka, laga bilaabo Qorax soo bax ilaa Gabbal dhaca oo ah waqtiga Ramadaanka.

Urdun / Jordan oo caasimad u ah (Cammaan) waxaa ugu yaraan laga soomi doonaa 14-saac iyo 47-daqiiqo, waxaana ugu badan 15-saac iyo 39-daqiiqo.

Suuriya / Syria oo Magaalo Madax u ah Dimishiq, dadka kunool dalkaas, saacadaha ugu yar ee ay af xirnaan doonaan waa 14-saac iyo 52-daqiiqo, ugu badnaan 14-saac iyo 49-Daqiiqo.

Falastiin oo caasimad u ah Qudus, waqtiga ugu yar ee laga soomi dooni waa 14-saac iyo 45 daqiiqo, waxaana ugu dheer ama ugu badan 15-saac iyo 37-daqiiqo.

Lubnaan oo caasimadeedu tahay Bayruut waxaa ugu yaraan laga soomi doonaa 14-saac 54-daqiiqo, halka ay ugu badan tahay 15-saac iyo 51-daqiiqo.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo magaalo madax u ah Riyaad, waqtiga ugu yar ee ay soomi doonaan dadka kunool waa 14-saac iyo 17-daqiiqo, halka waqtiga ugu dheer ay u tahay 14-saac 55-daqiiqo.

Balse waxaa ka waqti kooban Magaalada Barakeysan ee Maka Al-Mukarrama, waqtiga ugu badan ee laga soomi doono waa 14-saac iyo 5-daqiiqo, waxaana ugu waqti dheer 14-saac iyo 38-daqiiqo.

Isu tagga Imaaraatka Carabta oo caasimad u ah Dubai waxaa ugu gaaban waqtiga soonka 14-saac iyo 19-daqiiqo, waqtiga ugu dheer ee laga af-xirnaanayo waa 14-saac iyo 56-daqiiqo.

Kuwait oo magaalo madax u ah Kuwait City waxaa laga soomi doonaa waqtiga ugu gaaban 14-saac iyo 33-daqiiqo, halka waqtigooda ugu dheer uu yahay 15-saac iyo 20-daqiiqo.

Cumaan oo Caasimad u ah Masqat waxa ay dadka kunool saacadaha ugu yar ay soomi doonaan ah 14-saac iyo 17-daqiiqo, ugu badnaan waa 14-saac iyo 53-Daqiiqo.

Dalka Qadar isla markaana Caasimadiisu tahay Dooxa, saacadaha ugu yar ee laga soomayo waa 14-saac iyo 20-daqiiqo, waxaana ugu badan 14-saac iyo 59-daqiiqo.

Bahrain oo magaalo madaxduna u tahay Manama waxaa saacadaha ugu gaaban ee laga soomi doono waa 14-saac iyo 27-daqiiqo, waxaana ugu badnaan dadka ay xirnaan doonaan 15-saac iyo 7-daqiiqo.

Aljeeriya oo caasimadeedu tahay Aljaris waxaa saacadaha ugu yar ee Soomi doono waa 15-saac iyo 8-daqiiqo, halka ugu badnaan la afxirnaanayo 16-saac iyo 13-daqiiqo.

Tunisia oo magaalo madax u ah Tunis 15-saac iyo 7-daqiiqo ayaa ugu yar waqtiga laga soomi doono, waxaana ugu badan 16-saac iyo 12-daqiiqo.

Dalka Morocco oo caasimad u tahay Rabaat waxaa qadarka ugu badan ee laga soomi doono ah 14-saac iyo 55-daqiiqo, waxaana ugu badan 15-saac iyo 53-daqiiqo.

Wadanka Liibiya oo magaalo madax u tahay Tripoli, saacadaha ugu yar ee laga af xirnaanayo waa 14-saac iyo 50 daqiiqo, halka ugu badnaan ay soomi doonaan 15-saac iyo 45-daqiiqo.

Masar / Egypt, dalkaan xaruntiisu waa Qaahira, saacadaha ugu badan ee laga soomi doono waa 14-saac iyo 41-daqiiqo, halka saacadaha ugu badan ay yihiin 15-saac iyo 28-daqiiqo.

Suudaan oo caasimad u ah Khartuum waxaa ugu yaraan laga soomayaa 13-saac iyo 56-daqiiqo, waxaana ugu badan 14-saac iyo 19-daqiiqo.

Dalka Ciraaq, xaruntiisu waa Baqdaad, saacadaha ugu ee soonku waa 14-saac iyo 52-daqiiqo, halka ugu badnaan ay tahay 15-saac iyo 49-daqiiqo.

Yemen oo magaalo madax u ah Sanca waxaa qadarka saacadaha ugu badan ee laga soomi doono uu yahay ugu yaraan 13-saac iyo 50-daqiiqo, halka ay ugu badan tahay 14-saac iyo 14-daqiiqo.

Soomaaliya, Xarunta dalka waxaa u ah Muqdisho, saacadaha ugu gaaban ee laga soomi doono waa 13-saac iyo 28-daqiiqo, waxaana ugu badan 13-saac iyo 34-daqiiqo.

Comoros waxaa caasimad u ah Moroni, saacadaha ugu yar ee ay soomi doonaan dadka kunool waa 12-saac iyo 46-daqiiqo, waxaana ugu badan 12-saac iyo 56-daqiiqo.

Mauritania waxaa Magaalo madax u ah (Nouakchott) Nawaakshat, saacadaha ugu badan ee laga afxirnaanayo maalinta Ramadaanka waa 14-saac iyo 4-daqiiqo, waxaana ugu badan 14-saac iyo 38-daqiiqo.

Sidaas ayay wadamada carabta saacadahaas kala dheer misena kala duwan u kala soomi doonaan Ramadaanka laga soo bilaabo Cad-ceed soo baxa ilaa gabbal dhaca inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Soonka.

Isha: Royanews.tv 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment